
XChat
Ka dib markii dad isticmaala X Premium ay usbuucii hore ku arkeen tijaabo toos ah, mulkiilaha X ee Elon Musk ayaa hadda si rasmi ah ku xaqiijiyey qoraal uu ku soo qoray X in Appliction Twitter ama X uu yeelan doona hanaan cusub oo horumarin ku samayno doon qaybta chat-ka ee Aplication-kaas looguna magac daray “XChat”, waxaana hadda tijaabiyay qaar ka mid ah macaamiisha X Premium, isla markaana dhawaan ay helidoonaan macaamiisha lacagta ku bixiya X ee haysta Premium Subscription-ka.

XChat Architect
Sidoo kale Elon Musk ayaa sheegay in nooca cusub ee XChat lagu dhisay luqadda Rust, isla markaana uu ku tilmaamay XChat uu leeyahay encription la mid ah encription-ka Bitcoin "Bitcoin style encryption".
Hadalkan Musk ayaa dhaliyay dood, maadaama lacagta Bitcoin si dhab ah loogu tilmaami karin inay tahay "Ecrypted”, taas oo ka dhigaysa in Elon Mask ereygan u adeegsaday kaliya ujeeddooyin suuq-geyn ah.
Waxaa la xusuustaa in Musk uu marar badan muujiyay rabitaankiisa ah inuu XChat ka dhigo tartame toos ah oo la la mid ah alaaldaha kale ee ay bulshadu ku wada xidhiidho ee farriimaha sugan "end to end encryption" sida Signal iyo iMessage. Hase yeeshee, qoraaka Musk ee aan cadayn ayaa keentay in dad badani waxa iska waydiiyaan ama ka shakiyaan awoodda dhabta ah ee uu XChat u leedahay inay la tartanto Applications-kaas.
Dhinaca kale, Musk wuxuu ku dhawaaqay in isticmaaleyaasha XChat ay hadda awood u leeyihiin inay sameeyaan wicitaanno cod iyo muuqaal ah iyada oo aan loo baahnayn lambarka taleefanka.
Maxaa Cusub
Horumarkan cusub ee XChat ayaa dhigi doonta in Application X in uu la tartami karo Applications-ka Shirkadda Meta ee ay bushadu sida wayn ugu wada xidhiidho gaar ahaan WhatsApp & Messenger.
Adeegyada & Features-ka Cusub
- Wicitaanka "Video & Audio Calls" oo aan u baahnayn Phone Number
- Fariimaha Codka ah "Voice Messages"
- Fariimaha Qarsoomaya "Disappearing Messages"
- Fariimo Sugan "encryption"
- Iyo Dirista Files-ka iyo Ducumments-ka
